HomeWarar(Faallo): Murashax Madaxweyne Filo in lagu doorto ama uu Daadku ku qaado.

(Faallo): Murashax Madaxweyne Filo in lagu doorto ama uu Daadku ku qaado.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

22 Murashax Madaxweyne ayaa saacado kadib waxay guda-geli doonaan Loolanka Kursiga Madaxweynaha ee dhowrka bilood la naawilayey. Murashixiinta ayaa u muuqda kuwo si Shaqsi-shaqsi ah u tartamayo, inkastoo la sheegay inay inta badan Murashixiinta samaysteen Isbahaysi ku kooban xilliga ay Doorashaddu socota. Murashixiintaasi ayaa isku raacay inay codadkooda ku taageeraan Murashaxa ay u arkaan inuu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

22 Murashax Madaxweyne ayaa saacado kadib waxay guda-geli doonaan Loolanka Kursiga Madaxweynaha ee dhowrka bilood la naawilayey.

Murashixiinta ayaa u muuqda kuwo si Shaqsi-shaqsi ah u tartamayo, inkastoo la sheegay inay inta badan Murashixiinta samaysteen Isbahaysi ku kooban xilliga ay Doorashaddu socota.

- Advertisement -

Murashixiintaasi ayaa isku raacay inay codadkooda ku taageeraan Murashaxa ay u arkaan inuu codad badan ka helayo Cod-bixinta.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Doorashadani  noqon doonin mid si sahlan lagu kala bixi doono, wuxuuna Murashax kasta Taagtiisa iyo Tabartiisa isugu geeyey si uu ugu najaxo Doorashaddan oo ku soo beegantay Xilli Xasaasi ah.

Waana hubaal in Murashax kasta u arko Doorashadda mid ku xiran Waayihiisa Siyaasadda  iyo inuu noqon doono Hoggaamiye lagu aaminayo Xilka Qaranka iyo Mustaqbalka Dadka iyo Dalka.

- Advertisement -

Murashixiinta waxaa la qorsheynayaa inay maanta isugu tagaan Hoolka Doorashadda ee Xeradda Afisiyoone, si ay uga war dhowraan Cod-bixinta 329-Xildhibaan ee ka tirsan BFS, kuwaasi oo loo idmaday inay Madaxweyne cusub doortaan.

Hawlwadeeno Khibrad leh ayaa loo xil saaray Ilaalinta Nidaamka iyo Anshaxa Cod-bixinta, waxaa la xadiday Dhaqdhaqaaqa guud ee Madasha, waxaana Murashixiinta laga mamnuucay inay Mobayladda iyo qalabka Elektorooniga la soo galaan Hoolka dhexdiisa iyo inay Olole Cod-raadin ah la dhex qaadaan Xildhibaanadda codeynaysa.

Waa hubaal in Doorashaddan ka duwan tahay Doorashaddii 20116-kii ee uu isku dhex yaaca badan ka jiray, waxaana suurto-gal inay qaar ka mid ah Murashixiinta Madaxweyne saluugaan  shaqada Xoghaynta Guddiyada Doorashadda iyo Hawlwadeenadda kale ee loo idmaday Ilaalinta Nidaamka Doorashadda.

Hiyi-kaca xamaasadaysan iyo Niyad-jabka Murashixiinta ayaana la dareemi doonaa marka la bilaabo Tirinta Codadka ama lagu dhawaaqo Natiijadda hadba Wareegga la marayo.

Xilligaasi ayaana ah Waqtiga ugu adag ee aan Murashixiinta la xakamayn karin, waxaana macquul ah in la arko Buuq, Far isku-taag iyo Ficilo kale oo xasaasiyad abuuri kara.

Xildhibaanadda codka bixinaya ayaa iyagana u baahan in si khaas ah loo maareeyo, iyadoo laga duulayo inay dhacaan Falal wax u dhimi kara Sugnaanshaha Cod-bixinta iyo Natiijadda Doorashadda.

Si kastaba ha ahaatee, Murashax kasta oo Madaxweyne  waxaa uu Filan karaa  in la doorto ama uu Daadku qaado, illayn waa tii horey loo yiri Garri labo qof kama wada qosliso.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts