HomeWarar(Xog): Galaangalkii ugu dambeeyey Murashixiinta Madaxweynaha ee caawa iyo Xilliga Doorashada oo...

(Xog): Galaangalkii ugu dambeeyey Murashixiinta Madaxweynaha ee caawa iyo Xilliga Doorashada oo saacado kooban  ka harsan.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Muuqaalka magaalladda Muqdisho ayaa caawa ah mid ka duwan Habeenadda kale, waxaa la dareemi karaa Bandow iyo in la xadiday Isku-socodkii dadka iyo dadweynaha. Laakiinse, Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed iyo Mashquul badan ayaa laga dareemayaa inta badan Hoteelladda iyo Guryaha ay Murashixiinta Madaxweynaha deggan yihiin. Murashaxiinta waxay  kulamo la leeyihiin Xildhibaanadda BFS, oo lagu lafa gurayo Arrimaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muuqaalka magaalladda Muqdisho ayaa caawa ah mid ka duwan Habeenadda kale, waxaa la dareemi karaa Bandow iyo in la xadiday Isku-socodkii dadka iyo dadweynaha.

Laakiinse, Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed iyo Mashquul badan ayaa laga dareemayaa inta badan Hoteelladda iyo Guryaha ay Murashixiinta Madaxweynaha deggan yihiin.

- Advertisement -

Murashaxiinta waxay  kulamo la leeyihiin Xildhibaanadda BFS, oo lagu lafa gurayo Arrimaha Cod-bixinta Doorashadda iyo in wax kasta la fududeeyo.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Kulamadda ugu shidan  caawa ka socdaan Hotel Jazeera, Uganda House, Peace 2 iyo Xaafadaha ay deggan yihiin  Murashixiinta  Madaxweyne ee kala ah Sheekh Shariif, Cumar C/rashiid, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Murashixiinta waxay galaangal xooggan ugu jiraan inay Xildhibaanadda is-fahmaan, kuna balamaan Cod-bixintooda iyo Adeegyadda kale ee dufanaysan.

Baaritaanka Radio Dalsan ee caawa, waxaa lagu soo ogaaday inay jiraan warar sheegayo inay bilaabantay Cod-iibsiga,  iyadoo uu halkii cod gaaray kharaj u dhexeeya 40,000 ilaa 50,000 oo Dollar.

Qaar ka mid ah xubnaha u ololeeya Murashixiinta ayaa laga soo xigtay in hawsha caawa lagu kala baxayo iyo in Xildhibaan kasta lagu qancinayo Xodxodashada iyo in Is-fahamka la kala tuuranayo.

Si kastaba ha ahaatee, Murashixiinta Madaxweynaha waxay caawa ka wada siman yihiin galaangalkii ugu dambeeyey ee ay ugu jiraan inay ku xisaabtamaan Tirada Xildhibaanada lagu tashanayo codadkooda.

Waxaana is-gurayo xilliga, iyadoo ay dhowr saacadood ka harsan tahay xilliga  loo codeyn doono Madaxweynaha cusub ee JFS.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts