HomeWararDanjiraha cusub ee Britain uga wakiilka noqon doona dalka Somalia oo ku...

Danjiraha cusub ee Britain uga wakiilka noqon doona dalka Somalia oo ku soo wajahan Muqdisho.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ambassador David William Concar ayaa la filayaa inuu bartamaha bishan January soo gaaro magaalladda Muqdisho, si uu u bilaabo Hawshiisa Danjirenimo ee loo soo magacaabay. Ambassador David William Concar oo asal ahaan ka soo jeedo Tuullada Little Haywood ee magaalladda Stafforshire ee Gobalka England waa Diplomaasi in dhawaalaba ahaa Madaxa ka ahaa Xafiiska Waaxda Hay’addaha […]

- Advertisement -

Ambassador David William Concar ayaa la filayaa inuu bartamaha bishan January soo gaaro magaalladda Muqdisho, si uu u bilaabo Hawshiisa Danjirenimo ee loo soo magacaabay.

Ambassador David William Concar oo asal ahaan ka soo jeedo Tuullada Little Haywood ee magaalladda Stafforshire ee Gobalka England waa Diplomaasi in dhawaalaba ahaa Madaxa ka ahaa Xafiiska Waaxda Hay’addaha Calaamiga ee magaalladda London.

- Advertisement -

Waxa kale oo doorkiisu ahaa Ergayga UK ee Barwaaqa-sooranka (Commonwealth Envoy), wuxuuna hayinka u hayey Siyaasadda shaqo ee Xaiiska Arrimaha Dibedda ee Hay’adaha ugu waa weyn ee Caalamiga, oo ay ku jiraan QM iyo Maxkamadda Caalamiga ee ICC.

Ka hor inta uusan ku soo biirin Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain sannadkii 2004-tii, waxa uu Ambassador David William Concar ka soo shaqeeyey Wargeyska The international Science Journal Nature, kadibna waxa uu Ku-xigeen Tifaftire ka soo noqday Wargeyska New Scientist, oo uu sannooyin badan ka soo shaqeeyey, iyadoo lagu abaalmariyey Billad.

Danjiraha waa Khabiir ku takhasusay Dhaqaalaha, Ammaanka, Siyaasadda Deegaanka iyo Hal-abuurnimo, wuxuuna ka soo shaqeeyey Dalka Shiinaha, isagoo sannadkii 2012-kii dib ugu laabtay magaalladda London.

- Advertisement -

Boqoradda dalka Britain, Queen Elizabeth II  waxay bartamihii bishii November ee sannadkii hore u soo magacowday Ambassador David William Concar inuu noqdo Safiirka Boqortooyadda Britain u jooga Somalia.

Wuxuuna xilkaasi kala wareegi doonaa Danjirihii UK horey u joogtay Somalia,  Ambassador Ms. Harriet Mathews oo iyada loo bedelay xil kale oo Diplomaasiyeed.

©Radfio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories