HomeWararlabo Diyaarad oo ay Ciiddanka Yuhuudda lahaayeen oo lagu soo riday gudaha...

labo Diyaarad oo ay Ciiddanka Yuhuudda lahaayeen oo lagu soo riday gudaha Syria.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Telefishinka Dowladda Syria ayaa sheegay inay Ciiddanka Difaaca Cirka soo rideen Diyaarad Dagaal iyo Dorones ay lahaayeen Yuhuudda, kadib markii ay soo weerareen Saldhig ay Ciiddanka Difaaca Cirka ee Milliteriga Syria ku leeyihiin Degmadda Quneytra oo ku dhow xuduudka Yuhuudda. Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Syria ee SANA ayaa sheegtay in Diyaaradda Dagaalka ee Yuhuudda […]

- Advertisement -

Telefishinka Dowladda Syria ayaa sheegay inay Ciiddanka Difaaca Cirka soo rideen Diyaarad Dagaal iyo Dorones ay lahaayeen Yuhuudda, kadib markii ay soo weerareen Saldhig ay Ciiddanka Difaaca Cirka ee Milliteriga Syria ku leeyihiin Degmadda Quneytra oo ku dhow xuduudka Yuhuudda.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Syria ee SANA ayaa sheegtay in Diyaaradda Dagaalka ee Yuhuudda saakayto lagu soo riday Galbeedka Degmadda Quneytra, halka Diyaaradda Droneska lagu soo riday Deegaanka Sacsa ee Degmadda Dimishiq Riif.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Milliteriga Yuhuudda wey beeniyeen in labo Diyaarad looga soo riday gudaha dalka Syria, inkastoo ay sheegeen inay Diyaaradahooda duqeeyeen Saldhig ay Milliteriga Dowladda Syria ku leeyihiin Buuraha Golan Haytis oo ay Degmadda Quneytra ku taallo.

syria syria-and-israel

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories