HomeWararMadaxweynaha oo ku baaqay in si rasmi ah loo mamnuuco Qaadka iyo...

Madaxweynaha oo ku baaqay in si rasmi ah loo mamnuuco Qaadka iyo Ganacsatada Kenya oo ka xumaaday.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha ayaa taageeray Go’aankii Xukuumadda Federalka ka soo baxay shalay ee sida KMG loogu joojiyey Shixnadaha Qaadka ee laga keeno dalka Kenya. Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in Ka-ganacsiga iyo Isticmaalka Qaadka uu dhibaato weyn ku hayo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay waajib tahay in dalka laga mamnuuco Qaadka maalin kasta la keeni jirey. Bishii June […]

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa taageeray Go’aankii Xukuumadda Federalka ka soo baxay shalay ee sida KMG loogu joojiyey Shixnadaha Qaadka ee laga keeno dalka Kenya.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in Ka-ganacsiga iyo Isticmaalka Qaadka uu dhibaato weyn ku hayo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay waajib tahay in dalka laga mamnuuco Qaadka maalin kasta la keeni jirey.

- Advertisement -

Bishii June ee sannadkan ayey ahayd, markii uu Madaweynuhu sheegay in ay Dowladda si tartiib-tariib leh u yaraynayso Qaadka la keeno dalka, ka hor inta aan gebi ahaan Qaadka laga mamnuucin Somalia.

Dhinaca kale, Ururka Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ee Nayanene Miraa Traders Association ayaa ka niyad jabay Go’aankii sida KMG loogu joojiyey Diyaaradaha Qaadka keeni jirey Somalia.

Afhayeenka Ururkaasi, Kimathi Munjuri ayaa sheegay in Xayiraadaasi dhalin karto Khasaaro ku yimaada Beeraleyda iyo Ganasatadda Qaadka.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in ku-dhawaad 12 Diyaarado wada Qaadka ay maalin kasta Qaad u iib keeni jireen gudaha Somalia.

Guddoomiyaha Gobalka Meru ee dalka Kenya, Peter Munya waxa uu Go’aankii Dowladda Federalka ku tilmaamay id dhibaato weyn u leh Beeraleyda Qaadka.

Waxa uu tilmaaay in Suuqa Qaadka loo iib keeno Somalia uu yahay Suuqa keliya ee ay u iib geeyaan Caalamka, iyadoo Dowladaha Britain iyo Holland horey u maamnuuceen Qaadkii loo dhoofin jirey.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories