HomeWararMadaxweynaha oo ammaanay hawlkarnimada iyo anshaxa ciidanka Komandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha oo ammaanay hawlkarnimada iyo anshaxa ciidanka Komandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagey xerada ciidammada gaarka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidankan iyo taliyeyaashooda sida hufan ee ay uga soo dhalaalaan waajibaadkooda difaaca dalka iyo dagaalka ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagey xerada ciidammada gaarka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidankan iyo taliyeyaashooda sida hufan ee ay uga soo dhalaalaan waajibaadkooda difaaca dalka iyo dagaalka ay kula jiraan cadowga argagixisada ah.

- Advertisement -

“Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo. Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan difaacno diinteena, dalkeena, dadka iyo dowladda. Cadowga waad ka xirfad sareysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo aadminimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin rajada iyo tusaalaha dib u dhiska ciidammada dalka iyo dib u soo celinta dowladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta.

“Cadowga Al Shabaab waxaad u dhigteen cashar lama ilaabaan ah oo aysan ka soo waaqsan doonin. Waa waajib ina wada saaran inaan cadowgaas ka qabano shacabka ay gowracayaan iyagoo ku gambanaya magaca diinteena xaniifka ah, iyadoo aan ognahay in Ilaahay qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay in bani’aadamku uu karaameysan yahay, naftiisana aan cayaar cayaar lagu goyn karin”.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan, isla markaana loo baahan yahay in laga faa’iideysto iyadoo loo marayo dowladnimo hufan oo caddaalad ku dhisan.

Madaxweynaha waxaa uu si gaar ah mid mid ula hadley ciidankan gaarka ah ee kumandooska, isagoo u ballanqaaday in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii ay u dabooli lahayd caqabadaha ka haysta dhanka gudashada waajibaadkooda.

Kormeerkan, ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka, Mudane Xuseen Carab Ciise, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka, S/Guuto Maxamuud Sheekh Cali iyo mas’uuliyiin kale.

M1 M2

——————-DHAMMAAD——————-

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts