HomeWararDuuliyayaashii Turkishka ee soo riday Diyaaradda Dagaalka ee Raashiya oo la xiray.

Duuliyayaashii Turkishka ee soo riday Diyaaradda Dagaalka ee Raashiya oo la xiray.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

 Labadii Duuliye ee Turkishka ee doorka ka qaatay Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiya ee la soo riday bishii November ee sannadkii hore ayaa la xiray, kadib, markii ay ka qeyb galeen Afgembigii Fashilmay ee bishan July 15-dii ka ddhacay dalka Turrkiga. Sarkaal Turkish ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP in Labadii Duuliye ee ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 Labadii Duuliye ee Turkishka ee doorka ka qaatay Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiya ee la soo riday bishii November ee sannadkii hore ayaa la xiray, kadib, markii ay ka qeyb galeen Afgembigii Fashilmay ee bishan July 15-dii ka ddhacay dalka Turrkiga.

Sarkaal Turkish ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP in Labadii Duuliye ee ku lugta lahaa falkii lagu soo riday Diyaaraddii Dagaalka Raashiya ee SUl-24 inay ku jiraan Qeybta Dembi barista, iyadoo lala xiriirinayo Afgembigii Fashilmay.

- Advertisement -

Sarkaalkaas la hadlay AFP ayaa sheegay inay Duuliyaashaasi la xiray, iyagoo gacansaar la lahaa Kooxihiui ku fashilmay Afgembiga, ee aan loo xirin  weerarkii lagu soo riday Diyaaradda Raashiya.

Laakiin, Duqa magaalladda Ankara, Melih Gokcek ayaa sheegay inay Duuliyayaasha taageere u yihiin Sheekh Fatxullahi Gulen, isla markaana ay Duuliyayaasha u soo rideen Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiyasi ay u waxyeeleeyaan Dowladda Turkiga.

Wasiirka Garsoorka ee Raashiya, Bekir Bozda oo ay Warbaahinta Turkishka wax ka weydiiyeen Xarigaasi ayaa sheegay inay jiraan Wararka ku aadan in la xxiray Duuliyayaasha, balse wuu xaqiijin kari waayey.

- Advertisement -

Xiriirka Dowladaha Raashiya iyo Turkiga ayaa xumeeye Diyaaradda Dagaalka ee Raashiya ee lagu soo riday gudaha dalka Syria, inkastoo ay Labada dowladood bishii hore xaliyeen Khilaafkooda Diplomaasiyadeed.

Biloswga bisha soo socoto ee August ayaa la filayaa inay Madaxweynayaasha Turkiga iyo Raashiya kulan ku yeeshaan dalka Raashiya, iyadoo Madaxweyne Valadamir Putin cambaareeyey Afgembigii Fahilmay ee bishan July 15-dii ka dhacay dalka Turkiga.

Xigasho: Aljazeera

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts