HomeWararDowladda Jabuuti oo sheegtay inay taageero ka geysan doonaan Arrimaha Doorashooyinka Somalia.

Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay taageero ka geysan doonaan Arrimaha Doorashooyinka Somalia.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Telefishinka Dalka Jabuuti ayaa shaaciyey Madaxweynaha Dowladda Jabuuti, Ismail Omar Gelle ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey sda ay Dowladiisa ka go’an tahay inay Somalia ka taageeraan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Deganaanshaha iyo Nabadda. Waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu dhigiisa Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud shalay kula kulmay Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali oo ka socday Shirweynihii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Telefishinka Dalka Jabuuti ayaa shaaciyey Madaxweynaha Dowladda Jabuuti, Ismail Omar Gelle ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey sda ay Dowladiisa ka go’an tahay inay Somalia ka taageeraan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Deganaanshaha iyo Nabadda.
Waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu dhigiisa Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud shalay kula kulmay Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali oo ka socday Shirweynihii 27-aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika.

Madaxweynaha Jabuuti, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay garab taagnaan doonaan Ummadda Soomaaliyeed, ilaa ay dib uga hananayaan Ammaanka iyo Deganaanshaha dalkooda. Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Jabuuti gacan ka geysan doonto Taabagelinta Doorashada Madaxtinimadda iyo Barlamaanka ee ka dhici doonta Somalia bisha soo socota. Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka mahad celiyey Taageeradda Walaaltinimo ee ay Dowladda iyo Shacbiga Jabuuti la garab taagan yihiin Somalia tan iyo sannadkii 1999-kii. Waxa uu intaasi ku daray inay Jabuuti taageero ka geystaan Nabadda, Deganaanshaha iyo Siyaasadda Somalia, isla markaana ay Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM ka hawlgalaan Gobalka Hiiraan.
Madaxweynuhu waxa uu xusay inay ka go’an tahay inay Doorashadda qabsoonto xilligii loogu talagalay, isla markaana ay muhiim tahay inay ku dhacaan Hab Dimuqraadi ah.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts