HomeWararKumanaan Tahriibayaasha Afrikaanka oo ay ku jiraan Soomaali doonaysay inay gaaraan Europe...

Kumanaan Tahriibayaasha Afrikaanka oo ay ku jiraan Soomaali doonaysay inay gaaraan Europe oo ku le’da Lama Degaanka Libya.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Hay’ad lagu magacaabo 4ml oo wada shaqeyn la leh Golaha Qaxootiga Denmark (The Danish Refugee Council) inay Tahriibayaal badan oo Afrikaan ah ku geriyoodaan Saxaraha Libya, halka Kumanaan kalena ay ku haftaan Badweynta Mediterranean Sea. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Tahriibayaasha iyo Qaaxootiga ka yimaada Geeska Afrika ee soo gaara dalka Libya ay in badan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’ad lagu magacaabo 4ml oo wada shaqeyn la leh Golaha Qaxootiga Denmark (The Danish Refugee Council) inay Tahriibayaal badan oo Afrikaan ah ku geriyoodaan Saxaraha Libya, halka Kumanaan kalena ay ku haftaan Badweynta Mediterranean Sea.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Tahriibayaasha iyo Qaaxootiga ka yimaada Geeska Afrika ee soo gaara dalka Libya ay in badan oo ka mid ah ku geeriyoodaan inta ay soo dhex jibaaxayaan Lama Degaanka Libya.

- Advertisement -

Warbixinta ayaa lagu sheegay inaan la haynin Xog ku aadan tirada Qaxootiga ku geeriyootay dhulka Lama degaanka Libya, balse wareysiyo lala yeeshay in ka badan 1.300 Tahriibayaal labadii sanno ee la soo dhaafay waxay sheegeen ku-dhawaad 1,245 Qaxooti ku geeriyoodeen Lama-degaanka Libya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay inta badan Tahriibayaasha tiradooda dhan tahay 1,245 qof ay  u gereiyoodeen cudduro, macluul, Toogasho iyo Tooreyn.

Waxaa kaloo  dadkaasi ka mid ah 44 haween oo inta la kufsaday ay dileen Kooxxo hubeysan oo ka qowleysta Lama-degaanka Libya.

- Advertisement -

Warbixinta waxay kaloo muujisay inay 2,505 Tahriibayaal sannadkan ku geeriyoodeen Badda, isku-day ay ku doonayeen inay ku gaaraan Xeebaha Libya.

Dhinaca kale, Hay’adda Calaamiga ee Muhaajiriinta ee The International Organization for Migration “IOM” ayaa horey u soo saartay Tiro-koobka geerida Tahriibayaasha ku le’ata Saxaraha Libya.

Tiro-koobka IOM, waxaa lagu ogaaday in sannadkii hore ay Saxaraha Libya ku geeriyoodeen ama lagu la’ yahay 104 Tahriibayaal.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts