HomeWararDawladda Federalka oo soo dhawaysay Banaanbax looga soo horjeeday weerarkii Masjidka Nabiga...

Dawladda Federalka oo soo dhawaysay Banaanbax looga soo horjeeday weerarkii Masjidka Nabiga NNKH.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Mogadishu, 11 July 2016 – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa lagu soo dhaweeyay Banaanbax balaaran oo Maanta ka dhacay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen qaybaha Bulshada Soomaaliyeed kuna muujiyeen dareenkooda ku aadan Qaraxii dhawaan lala beegsaday Masjidka Nabiga NNKH iyo Xasuuqa Joogtada ah ee Argagixisadu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mogadishu, 11 July 2016 – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa lagu soo dhaweeyay Banaanbax balaaran oo Maanta ka dhacay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen qaybaha Bulshada Soomaaliyeed kuna muujiyeen dareenkooda ku aadan Qaraxii dhawaan lala beegsaday Masjidka Nabiga NNKH iyo Xasuuqa Joogtada ah ee Argagixisadu ku hayso Muslimiinta Dunida oo ay ku jiraan Soomaalidu.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Maxed Cbadi Xayir[Maareeye} ayaa ku amaanay Culumada, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo dhamaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed sida ay usoo bandhigeen dareenkooda, taas oo ay ku muujiyeen sida ay Bulshada Soomaaliyeed uga soo horejeedo Falalka Argagixisada, diyaarna ugu tahay in ay ka qaybqaadato Dagaalka ay Dawladda Soomaliya kula jirto Kooxahaas.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa sheegay in ay Dawladdu Fulinayso dareenka iyo rabitaanka Banaanbaxayaasha ee ah in la xoojiyo la-dagaalanka Alshabaab, wuxuuna ku booriyay Bulshada in ay sii wadaan muujinta Dareenkooda ka dhanka ah kuwa caadaystay daadinta Dhiiga Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay si joogto ah u beegsanayaan, wuxuuna Wasiirku ka dalbaday Bulshada Soomaaliyeed in ay ku garab istaagaan Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida Ladagaalanka Argagixiasada.

Dawladda Soomaaliya waxeey u aragtaa Dagaalka Argagixisadu in uu yahay mid ay ku burburinayaan Dawladaha iyo Shucuubta Islaamka, iyagoo ku been abuuranaya Magaca Muslimiinta, waxeeyna ku baaqaysaa in lagu qaado Dagaal Shacbi ah, si looga hortago Ficiladooda gurucan.

Ugu danbayn, Dawladda Soomaaliya waxeey dardargalinaysaa Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, waxeeyna markale ugu baaqaysaa Dadwaynaha Soomaaliyeed in ay si dhab ah uga qayb-qaataan tirtirista Kooxahaas, waxaana Dawladdu ugu mahadcelinaysaa Qaybaha Bulshada ee Muqdishu muujinta Dareenkooda, waxayna Dawladdu ugu baaqaysaa Shacabka ku nool Gobalada iyo Dibada in ay iyana muujiyaan Dareenkooda.

- Advertisement -

DIBADBAX 1 DIBADBAX DIBADBAX2
DIBADBAX 1

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Muqdisho, Somalia
media@moi.gov.so

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts