Waxaa Maalintii labaad galay shirka Amniga Qarnka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada ΓΒ dalka ka jira iyo Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo RaΓ’β¬β’iisul Wasaaraha.
Shirkaan oo shalay uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii Ciidamada dowladda ay AMISOM kala wareegi lahaayeen Amniga dalka waxyaabihii ka qabsoomay shirarki hore iyo qodobo kale.
Sidoo kale waxaa shalay shirkaas Warbixino looga dhageystay Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga sidoo kale talisyada Ciidamada iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.
Maanta ayaa la filayaa in shirkaan Amniga Qaranka la soo gaba gabeeyo isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda dowlada iyo kuwa Dowlad goboleedyada.