War soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamada NISA ay gudaha u galeen Guriga Senatar Cabdi Qeybdiid uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho sida ay Dalsan u xaqiijiyeen Xubno ka mid ah Qoyska Senatar-ka.
Ciidamada ayaa hadda baaris ka wada Hoyga Senatarka oo ka mid ah xubnaha Aqalka sare isla markaana ah Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal kaas oo ku yaala Xaafada Seybiyaano gaar ahaan nawaaxiga Garaashka uu qaadka ku soo dego ee Muuri,waxana la sheegayaa in uu Senatar-ka ka maqna Guriga.
Weli laamaha amniga dalka ma faah faahin sababta ka dambeysa baaritaanka ciidamada NISA ay iminka ka wadaan hoyga Cabdi Qeybdiid iyo waxa keenay,balse Dastuurka dlka ayaa qaba in Xildhibaan aan la baari Karin Gurgiisa lana xeri Karin ilaa xasaabada laga qaado.
Ciidamada ayaa gebi ahaanba xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Hoyga Cabdi Qebdiid,mana jirto wax caqabad ah ay kala kulmeen gelitaanka hoyga Cabdi Qeybdiid.
Horay ayaa Ciidamada dowladda waxa ay xili habeen ah weerareen Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame,iyaga oo dilay 5 ka mid ah ilaaladiisa.
.Wixii faah faahin ah kala soco radiodalsan.com