Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeysay Ciidamada Kenya iyo Shacabka ku nool degmadaas taas oo ka dhalatay kadib markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay markale bilaawdo dhismaha derbiga.
Xiisadaas ayaa sidoo kale sababtay qeylo dhaanta badi bulshada Soomaliyeed, Siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xogheyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Dalsan u sheegay in Maanta oo Sabtida ah ay Gudigu kulan ka leeyihiin xadgudubka dhulka Soomaaliya ee dowladda Kenya.
Waxa uu ku amaanay dadka ku nool degmada Balad Xaawo sida ay uga dhiidhiyeen xadgudubka dowladda Kenya,waxa uuna sheegay in dhawaan dowladda Soomaaliya wefdi u diri doonto degmada Balad Xaawo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sadiiq Warfaa.