Waxaa Galabta sirasmi ah Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium uga furmay tartanka Maamul gobolodyada dalka oo markii labaad oo isku xigta lagu Marti gelinayo Muqdisho,waxaan Ciyartii ugu horeysay ay Galabta ku dhexmrtay Xulalka kala metelayay Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Ciyaarta oo ku billaabatay jawi qurux badan ayaa labada dhinac waxa ay halgan adag ugu jireen in kooxba kooxda iska ilaaliso weerarna ku qaado ayaa taasi waxa ay saamixi weyday in qeybta hore ee kulanka goolal la iska dhaliyo.
Qeybta dambe ee Ciyaarta ayaa waxaa Xulka gobolka Banaadir ay nasiib u heleen in ay dhaliyaan 2 Gool oo deg deg ah,iyada oo taageerayaasha gobolka Banaadir ay halmar Sacab iyo farxad laga dareemay Garoonka,waxaana u kala dhaliyay Goolsha ciyaaryahanada watay lambarada 7,aad iyo 9,aad.
Ugu dambeyn Xulka matalayay Jubbaland ayaa keensaday hal gool oo uu u dhaliyaay Ciyaaryahanka lagu Magacaabo Axmed Maxamed Yuusuf oo watay 18aad,sidaasna ay ciyaartii ku soo gaba gabowday.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed diiriye ayaa sheegtay in qabsoomida Ciyaarahaan ay waqti geliyeen Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare kheyre oo goobjoog ka ahaa Ciyaarta Galabta ayaa isna sheegay in Ciyaartii Galabta ay muujineyso Guusha ay Ummadda Sooamaliyed ku talaabsatay,waxa uuna Ciyaartoyda kula dardaarmay in ay ciyaar wanaag muujiyaan.
Hoos Ka Dhageyso CodadkaÂ