Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa Baarlamaanka horgeyn doona Hindise Sharciyeedyada la Dagaalanka Argagixisada iyo Xakameynta hubka wax dila kuwaas oo mari doona Akhrintooda Koowaad.
Sidoo kale Ansixinta soo jeedinta Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya.
Labada Ajende oo ay soo diayarisay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxaa horay u soo ansixiyay xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.
Sharciga la dagaalanka Argagaxisada ayaa mudo dhowr Sano ah soo jiitamayay,waxana hadii ay Baarlamanka ansixiyaan uu fursad badan siin doonaa Dowladda Soomaaliya.