15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay yeesheen Shir Khaas ah oo ay kaga hadleen Xaalladda Ammaanka Soomaalia iyo Hawlgalka AMISOM.
Goluhu waxay isku raaceen in muddo 1-sanno ah  lagu kordhiyo HawlgalkaAMISOM, wuxuuna Xilli-hawleedkooda ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sannadka soo socda.
Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo xaqiijiyeen in la dhimo Tirada Ciiddanka AMISOM, .waxaana tirade Ciiddanka AMISOM lagu soo koobayaa 21.626 Askari marka la gaaro bisha December ee sannadkan.
Goluhu waxay kaloo tilmaameen inay jiri doonto dhimis dheeraad ah, iyadoo Ciiddanka AMISOM ee tiradooda haatan dhan tahay 22,126 Askari lagu soo koobi doono 20,626 marka la gaaro bisha October 10-da ee sannadka soo socda.
Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo qireen inay AMISOM caqabad ka haysato Dagaalka Alshabaab iyo Xilliga Kala-guurka, si ay Ciiddanka Qaranka Somalia, si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka Somalia.