Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in ay bilaabeen qorsho ku aadan sidii Shacabka Soomaliyeed uu uga bixi lahaa tuhunka ku aadan in la musq maasuq deeqaha Waxbarashada ay hesho Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in uu Magacaabay Guddi Maamula deeqahaas,kuwaas oo ka kooban Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaala Soomaaliya,si uu ug baxo Shacabka tuhunka Musq msuqa.
Waxa uu sheegay in tani ay qeyb ka tahay islaxisaabtankii uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka