Shacabka Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay sicir bararka daran ee xiligaan ka jira Gudaha Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland.
Qaar ka mid ah oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in Sicir bararku uu haatan yahay mid aad u daran islamarkaana uu saameyn weyn ku yeeshay shacabka iyo Ganacsatada intaba.
Waxa ay ku eedeeyeen in arintaan ay sabab u tahay Wasiirka Maaliyada Maamulka Soomaaliland Samsam Cabdi Aadan oo ay sheegeen in ay dayacday waxka qabashada Sicir bararka islamarkaana Guddigii loo magacaabay in ay baaraan arintaan la kala diray.
Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,in uu arintaan waxka qabto sixal loogu helo Sicir bararka.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Shacabka Hargeysa