Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xubno kale oo ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta kormeer ku tegay dekadda Weyn ee Magaalada Kismaayo oo haatan si Wanagsan u Shaqeyneyso.
Kormeerka ayaa waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Martida loo yahay ee Maamulka Jubbaland axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) iyo Masuuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay Guul Weyn ay u tahay Shaqeynta Dekaddaan Shacabka ku nool deegaanada kala duwan ee Gobolada Jubbooyinka.
“Waxaan saakay booqday Dekadda weyn ee Kismaayo oo kaalin weyn ka qaatada kobaca dhaqaalaha dalka sidoo kalena kamid ah 4ta dekedood ee ugu weyn dalka, waxaa ku xiran oo wax kala soo daga shacab tiraduudu gaareyso 5 million oo ku nool maamulka jubaland waana il dhaqaale oo muhiim u ah dalka ayuu yiri ra’iisul Wasaare kheyre.
Sawirro