Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Siinka dheer,waxana la sheegay in uu qarxay Gaari nooca loo yaqaano Dheynada kaas oo jugta xoogiisa laga maqlay deegaanada ku teedsan deegaanka Siinkadheer ee Duleedka Muqdisho.
Wararka dheeradka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga xiliga uu qarxayay uu ku jiray meel Parking ah kadib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay qabteen.
Ilaa iyo lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,waxaana la sheegay in uu qarxay xili uu ku socday baaritaano waxana lagu soo waramayaa in ay waxyeelo ka soo gaartay dad Shacab ah.