Madaxweynaha dowladda Federaalka Sooamaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya,waxana ka qeybgalay Xubno ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Gudoomiyaha Aqalka sare cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo sidoo kale Wakiilo ka socday Beesha Caalamka.
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kula dar daarmay xubnaha Aqalka Sare inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda qaran ee horyaala si loo xoojiyo wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Madaxwaynu waxa uu tilmaamay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay inay jiraan howlo badan oo haatan horyaala Golaha.
Sawirro