Ciidamo ka tirsan kuwa Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa lagu eedeeyay inay sibareer ah u weerareen dad Xoolo dhaqato ah oo ku noolaa deegaan u dhaxeeya deegaanada Godad iyo Jeexdin ee Gobobolka Mudug.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Shire Qoodaar oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay dhaceen Geel ay lahaayeen Dad Shacab ah islamarkaana ay dileen mid ka mid ah dadkii lahaa Geelaas.
Waxa uu sheegay in weerarkaas loo adeegsaday laba Gaari oo kuwa dagaalka ah ee loo yaqaano Cabdi Bilaha ah taasina ay tahay dhibaato Culus.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay dhaawaceyso heshiiskii la gaaray 9, Bishii la soo dhaafay ee Jun kaas oo loo fadhiyay mudadii u dhaxeysay 9/6/201 ilaa 29 Bishaas sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka