waxaa maanta oo bisha apr ay tahay 11  sanadka 2015 lagu qabtay magaalada muqdisho munaasibad balaaran oo lagusoo bandhigayay murashaxnimada hogaamka dowlad goboleedka lafilayo in dhowaan lagag dhawaaqo gobolada dhexe ee soomaaliya waana musharaxii ugu horeeyay ee gabar ah Drs  marwo dahabo cabdi maxamad gacmacade (DAHABO CUUD)
marwo dahabo ayaa ah gabar wax kusoo baratay dalalka INDIA IYO PAKISTAN waxaana waxaabaha lagu xususto bulshaduna ay ku qadariso kamid ahin ay dalka kusoo dhiiatay dibna ugusoo laabatay horaantii sanadihii agaashameeyadii oo dagaaladii qabaliga ahaa iyo daganaan la aantii siyaasada dalku ay marayeen halkii ugu xumeyd iyadoo abaabushay bulsho rayid ah oo haween iyo dhalinyaro waxbaratay ubadnaa isla markaana ujiheysay dhanka nabadda iyo isdhagalka bulshada  kuna dhaqaaqday barnaamijyo xaga samafalka dadka nugulka ah kujiheysnaa gaar ahaan haweenka caruuta curyaamiinta da.kastaba leh iyo dadka laheyb sooco ee aan codkoodu banaanka usoo bixi karin
hadaba munaaibadii maanta ayaa waxaa ay lahayd muuqaal aad uga duwan goobihii murashaxiinta kale lagusoo bandhigi jiray iyada oo bulshada soomaalidu gaar ahaan dadka dega gobolada dhexe waxgaradkoodu aysan ku kala maqneyn sicadna ay ugu balan aadeen inay DAHABO Â CUUD ku taageerayaan doonisteeda iyo damaceeda hogaamineed iyaga oo sheegay inay tahay qof mudan in lagu aamino loona dhiibo hogaamin dad iyo deegaan larabo inay kasoo kabsadaan culeysyo dhan waliba kala degay 25 sanadood oo lasoo dhaafay
dhanka haweenka ayaa laga dheehan karay farxad iyo qanacsanaan aan horey loog arki jirin waxayna sacab iyo sawaxan farxadeed ku hareynayeen qudbadaha madasha laga jeedinayay oo ay soo dhax gelinayeen abwaano xaflada lagu casuumay erayo suugaaneed oo shirib guuroow iyo buraamburo isugu jiray waxaana shiribkaasi aan kaxusi karnaaYAA DIIDAN DOWLAD GOBOLEED INEY DUMARKU DAADAHSHAAN? taas oo astaan u ah in lajoogo doorkii Drs.dahabo cuud lagu tijaabin lahaa hogaaminta maamulka gobolada dhexe ee dalka
mas uuliyiintii madashaasi ka hadashay oo dhamaantood rag iyo dmar kasinaa aragtida ah in si soomaalinimo ah oo aan qabiil kusaleysneyn ay ku  garab galaan murashaxan maadaama ay tahay qof shaqsiyad iyo ficil waxqabad ee soomaalinimo lagu bartay ayaa waxaa kamid ahaa xubnihii hadalada jeediyay
1=nabadoon maxamad xasan xaad gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye
2=suldaan maxamad cabdi shido oo xubin ka ah 135 tii duubabkii soomaaliyeed ee soo xulay baarlamaanka federaaalka ah dowladana kasaaray xiligii KMG nimada ahaa
3=islow axmed cabdule maxamuud oo wakiil ka ahaa iimaam maxamed yuusuf cali
4=caaqil shire xaaji dalac
5=warsame maxamad xasan (JOODAX) Â gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka banaadir
6=suldaan maxamed sheekh gudoomiyihii hore ee degmada xarardheere ee gobolka mudug
7=cabdulaahi ibraahim sahal gardhuub gudoomiyhii hore ee degmada xamarweyne
8=marwo batuulo sheekh axmed gabale gudoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliyeed
9=marwo canab maxamad cosoble xoghayaha guud ee ururka haeenka qaranka soomaaliyeed
10=marwo jawaahir xaaji maxamuud (BAARQAB) gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir
11=iyo marwo pakistaan  maxamed cali
ugudambeyntiina waxaa munaasibada sooxirtay hadalo qiiro badan oo kasoo qeyb galayaashu ay aad ug sacabo tumeen islamarkaana rajo geliyay dadka kasoo jeeda gobolada dhexe kajeedisay Drs dahabo cabdi maxamed (DAHABO CUUD) oo u balan qaaday hogaamin cadaalad ah kuna dhisan wadatashi iyo istixgelin xoogana ay saaridoonto hadii ladoorto amniga degaanka dib uheshiisiinta dadka dib udhiska degaanadii burburay horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah nolosha bulshada sida wadooyinka goobaha waxbarashada caafimaadka iyo kafaa iidysiga kheyraadka dabiiciga ah ee alle ku maneystay degaanada gobolada dhexe sida xoolaha nool kaluumeysiga iyo soo saarista gaaska dabiiciga ah oo dhulkaasi aad ugu tilmaamanyahay waxayna intaa kudartay talaabo in ayan qaadi karin hadii aysan helin kalsoonida iyo gacansiin hagar la aaneed oo ay kahesho mas uuliyiinta iyo bahweynta kuwada nool gobolada dhexe ayna aaminsan tahay inay kaheli doonto
waxay ugu baaqday guud ahaan umada soomaaliyeed gaar ahaan bulshada kudhaqan gobolada dhexe ee dalka nabad iscafis guud walaaltinimo iyo inay udiyaar garoobaan nolol cusub oo soo kabasho ah si ay asaagooda maamulada sameystay wax ula wadaagaan mustaqbalka dhow loonasoo celiyo sharaftii iyo magacii halyeyadii hogaanka qaranimada iyo gobanimo  doonkii soomaaliya  taariikhda kugalay ee kasoo jeeday gobolada dhexe ee dalka