Guddiga Doorashadda Madaxweynaha ayaa shaaciyey inay 24 Murashax isku diiwaan geliyeen Loolanka Madaxtinimadda oo lagu wado in lagu kala baxo bisha soo socota ee February 8-da.
Murashixiinta oo wad rag ah ayaa isugu jira kuwo Xilal Madaxweyne, Ra’isul-wasaare, Wasiiro, Xildhibaano horey u soo qabtay iyo kuwo ay ku cusub tahay Nolosha Siyaasadda.
Ilaa 5 Murashax ayaana la hadal-hayaa inay ka soo gudbi karaan Wareegga 1-aad ee Doorashadda, inkastoo aan la saadaalin karin Murashaxa ku guuleysan doono xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS.
Si kastaba ha ahaatee, Doorashaddaasi aaya indhaha lagu hayaa, mana kala cadda haddii ay Doorashadu ku dhici doonto si Daah-furnaan Hufnaan leh iyo haddii ay la mid noqon doonto Doorashooyinkii hore ee uu musuqa harreeyey.
Halkan ka akhriso Murashaxiinta u loolalmi doona xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS:
©Radio Dalsan