Maxkamadda magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaa shalay ka bilaabantay Go’aan ka gaarista 9 Somali-Maraykan lagu helay inay u safri lahaayeen dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.
Dhegeysiga Dacwadaasi oo socotay muddo dhowr sanno ayaa waxay Xeer-beegtida Maxkamadda xukun ku rideen 3 ka mid ah Eedeysanayaashaasi.
Eedeysanaha Koowaad oo lagu magacaabo C/llaahi Sadiiq Yuusuf oo 20-jir ah ayaa la sii daayey, kadib, markii uu dhamaystay xukun hal sanno, waxaase lagu xukumay 20-sanno oo Kormeer lagu haynayo Dhaqdhaqaaqiisa.
Eedeysanaha Labaad oo lagu magacaabo C/risaaq Warsame waxaa lagu xukumay Xabsi 30-bilood ah, waxaana lagu soo oogay inuu qorsheynayey inuu marka hore u socdaalo Somalia, kadibna u sii gudbo dalka Syria.
Waxaa kaloo lagu soo oogay inay Eedeysanayaasha kale ku dhiiri-geliyey inay u socdaalaan dalka Syria, si ay ugu biiraan Dagaalka Kooxda Daacish ka wadaan dalalka Syria iyo Iraq.
Eedeysanaha Saddexaad oo lagu magacaabo Zakariya C/raxmaan, kaasi oo lagu xukumay xabsi 10-sanno ah. Eedeysanaha waxa uu qirtay Dembiga lagu soo oogay, inkastoo uusan iskaashi ka geysanin baaritaanka FBI-da ee saaxiibadiisa kale ee ku biiri lahaa Kooxda Daacish.
Eedeysanahan ayaa xukunka ugu adag lagu riday, waxayna Dembi-baarayaasha FBI-da ka soo qabteen isagoo sannadkii 2014-kii ka dhoofi lahaa Garoonka Diyaaradaha ee JFK International Airport ee magaalladda New York, xilligaasi oo uu doonayey inuu u safro dalka Giriigga, ugana sii gudbi lahaa dalka Syria, si uu ugu biiro Kooxda Daacish.
Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka waxay maanta iyo berrito xukun ku ridi doontaa 6 dhallinyaro Somali-Maraykan, kuwaasi oo iyagana lagu soo oogay Falal Argagixiso iyo inuu doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish.
Dacwad-oogayaasha waxay ka codsadeen Maxkamadda in Eedeysanaha lagu magacaabo Guuleed Cumar lagu rido Xukunka ugu dheer oo dhan 40-sanno.
©Radio Dalsan