Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen saddex qof oo ajaanib ah, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, raggan ayaa lagu qabtay dooxada teedsan Uur-Caleed, oo ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee Puntland, halkaas oo ay inta badan ku dhuumaaleysato kooxda Daacish.
Sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, saddexda qof ee la qabtay ayaa lagu arkay duruuf adag iyo calaamado muujinaya rafaad ay kasoo mareen safarkooda.
Ciidamada ammaanka ayaa xusay in ay weli baaritaano ku hayaan eedeysanayaasha si loo xaqiijiyo xiriirkooda rasmiga ah ee Daacish iyo halka ay ka yimaadeen.
Rasaas iyo agab ciidan, Astaamo iyo dukumentiyo kale oo muujinaya in ay xiriir la leeyihiin kooxo hubeysan ayaa laga helay jeebabkooda.
Calaamado muujinaya in ay muddo dheer ku sugnaayeen dhulka buuraleyda ah, taasoo sare u qaaday shakiga ah in ay si toos ah uga tirsan yihiin Daacish.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada, baaritaanno dheeraad ah ayaa lagu sameynayaa raggan, waxaana la eegayaa macluumaadka dheeraadka ah ee laga heli karo si loo xaqiijiyo cidda ay yihiin, halka ay kasoo jeedaan, iyo doorkooda gudaha ururka Daacish.
Sida ay saraakiishu sheegeen, hawlgalka lagu qabtay raggan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay wadaan ciidamada Puntland ee lagu ciribtirayo kooxaha ku dhuumaaleysanaya deegaannada buuraleyda ah.
Ciidamada ammaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaas oo saldhigyo ka sameystay deegaanno ka tirsan Puntland.
Dooxada Uur-Caleed oo lagu qabtay ajaanibtaasi, waa dhul ay inta badan ku dhuumaaleysan jireen kooxaha, iyadoo horay ciidamada Puntland ay halkaas uga fuliyeen weerarro qorsheysan.