Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kuwait, Dr. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Ururka Bisha Cas ee Kuwait, Dr. Khaled Mohammed Al-Mughmas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo Guddoomiyaha SoDMA uu warbixin ka siiyay Madaxa Ururka Bisha Cas xaaladda banii’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u xusay walaaca laga qabo abaar ka dhalata roob-yaraantii xilliga Deyrta 2024 iyo odoroska muujinaya in roobabka Gu’ga ee 2025 ay ka yaraadaan inta la filayo. Sidaa darteedna loo baahanyahay in la helo gurmad degdeg ah si looga hortago saameynta ay keeni karaan duruufahaas.
Sidoo kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa kala hadlay Ururka Bisha Cas ee Kuwait sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu hirgelinayo mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo qorshayaal lagu xoojinayo ka soo kabashada musiibooyinka. Waxaa la isla falanqeeyay muhiimadda ay leedahay qodista ceelal, dhismaha waro biyaha lagu keydiyo, iyo xal u helidda barakacyaasha ku baahsan dalka Soomaaliya.