Ciidamada Difaaca Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan si guul leh ula wareegay saldhigyo muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Daacish.
Sida muuqaalka iyo sawirrada laga soo qaaday goobaha ay ciidamada Puntland qabsadeen ay muujinayaan, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay dugsigii tababarada ee Daacish, maxkamadihii iyo xafiisyadii ay ka hawlgelayeen hoggaamiyayaasha kooxda, kuwaas oo ku yaallay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Muuqaalada laga helay goobaha la qabsaday ayaa sidoo kale muujinaya guryo buuraley ah oo kooxda Daacish ay u isticmaali jireen nolol maalmeedkooda. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay qalabkii ay Daacish isticmaali jirtay.
Howlgalka si guul leh u dhacay ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana qayb ka qaatay qeybaha kala duwan ee ciidamada Puntland. Guulaha ay Puntland ka sheegatay dagaalladaasi ayaa kor u qaaday morale-ka ciidanka iyo shacabka deegaanka, waxaana muujinaya awoodda iyo kartida ciidamada maamulka Puntland ee dagaalka ka dhanka ah Daacish.