Wafdigii dowladda Soomaaliya u dirtay Addis Ababa ayaa muddo dhowr maalmood ah ka socday dalka Itoobiya, iyaga oo kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.
Wafdigan, oo uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Balcad, iyo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, General Sanbaloolshe, ayaa si weyn uga soo muuqday warbaahinta Itoobiya, kuwaas oo kulamadooda iyo hawlahooda la xiriira xiriirka labada dal iyo horumarka la doonayo in laga gaaro heshiisyadii Ankara ka dambeeyay.
Wasiir Cali Balcad iyo General Sanbaloolshe ayaa si gaar ah ugu muuqdeen warbaahinta Itoobiya, iyadoo Wasiir Cali Balcad uu la kulmay Danjire Mesganu Arga, oo ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, waxaana ay ka hadleen guulaha laga gaaray wada-hadallada iyo qorshayaasha cusub ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Danjire Mesganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay “ka go’an tahay in ay si buuxda u dhaqangeliso heshiiskii Ankara.
Kulanka kale oo muhiim ah waxaa yeeshay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein, iyo Taliyaha NISA ee Soomaaliya, General Sanbaloolshe, kulankan ayaana looga hadlay sidii loo sii dardar-gelin lahaa fulinta heshiiskii ka dhacay magaalada Ankara ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya.
Kulamada maanta ka dhacay Adisababa ayaa kusoo aaday iyadoo Soomaaliya xalay soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in Itoobiya ay dishay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, qaar kalena ay dhaawacday.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawacyadu ay ka dhaceen weeraro lagu qaaday ciidamo Soomaaliyeed oo ku sugnaa gudaha dalka Itoobiya.