Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si xoogan uga wada gobollada Baay iyo Gedo howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee laga helay deegaannadaasi ay muujinayaan horumar ballaaran oo laga gaaray dagaalka. Ciidanka oo hawlgalka ka fulinaya dhulka howdka ah ee gobolladan, ayaa la sheegay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.
Inkasta oo aan wali la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka, haddana saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guulo waa weyn ku tilmaamay natiijada howlgallada ilaa iyo hadda la fuliyay.
Waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ay si qorsheysan uga fuliyeen hawlgalkaasi goobo muhiim ah oo ka mid ah dhulka ay Al-Shabaab ka joogaan gobolladaas.
Taliyaha Ururka 46-aad ee Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar), oo warbaahinta la hadlay, ayaa xusay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa Al-Shabaab laga xoreeyo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.
Xasan Taar ayaa intaas ku daray in ciidamada ay heegan buuxa ugu jiraan sii wadida dagaalka, iyaga oo kaashanaya shacabka deegaanka oo si dhow ula shaqeynaya, si looga miro-dhaliyo ujeedada guud ee ah in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan dalka.