Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay laba La-Taliye Sare oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta qorshayaasha waaweyn ee ku saleysan dowladnimada, dimuqraadiyadda, iyo nidaamka federaalka. Magacaabistan ayaa ah tallaabo lagu xoojinayo fulinta barnaamijyada ku saleysan hufnaanta iyo maamulka suuban ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Mudane Axmed Jaamac Maxamed Cillal u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga, isagoo leh aqoon durugsan iyo khibrad ku saabsan maamulka suuban iyo hannaanka dimuqraadiyadda. Halka Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka, iyada oo laga faa’iideysanayo waayo-aragnimadiisa ballaaran ee ku saabsan nidaamka federaalka iyo kala dambeynta dowladeed.
Labadan La-Taliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo laga dhaxlay hawlgallo kala duwan oo la xiriira dowlad wanaagga iyo federaalka, ayaa lagu wargeliyay inay fuliyaan waajibaadka culus ee laga sugayo, si ay ugaalin weyn ugu yeeshaan horumarinta iyo xoojinta dowladda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga dardaarmay in ay bulshada Soomaaliyeed ugu adeegaan daacadnimo iyo hufnaan, iyagoo ujeedadoodu tahay in ay xaqiijiyaan hannaan dowladeed oo cadaalad ku dhisan.
Magacaabista La-Taliyeyaashan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan hagaajinta iyo horumarinta nidaamka federaalka iyo maamulka dimuqraadiyadda, iyada oo lagu adkeynayo muhiimadda ay leedahay in la helo maamul ku dhisan hufnaan, cadaalad iyo isla xisaabtan.