Ugu yaraan Seddex qof ayaa ku dhaawacmay Bambooyinka Caawa lagula eegtay Magaaladda Jowhar Saraakiil Ka tirsan Nabadsugida Gobolka Shabeeladda Dhexe.
Gaari ay la socdeen Saraakiil uu kamid ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Shabeeladda Dhexe Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa Bambooyinka lagu weeraray.
Dadka dhaawacmay waxa la dhigay Cusbitaal ay gacanta ku heyso Hey’adda Intersos Ee Magaaladda Jowhar.