Golaha Ammaanka ee QM (The United Nations Security Council (UNSC) waxay Kulan Khaas ah ka yeesheen Cunaqabataynta Hubka ee weli saaran Suudaanta Koonfureed (South Sudan).
Cunaqabatayntaasi waxaa kaloo qeyb ka ah Xayiraadda Hantida, Socdaalka iyo Hubka.
Kulan ay Golaha Ammaanka ee QM yeesheen Khamiistii la soo dhaafay ayaa waxay Cusbooneysiiyeen Cunaqabatayntaasi ilaa laga gaarayo bisha May 31-da ee sanadka soo socda ee 2025.
Sidoo kale Golaha Ammaanka ee QM (UNSC) waxay u codeeyeen in Xilli-Hawleedka Guddiga Khubarada Caalamiga ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran dalkaasi ay sii shaqayn doonaan ilaa laga gaarayo bisha July Kowdeeda ee sanadka soo socda ee 2025-ka.
Si kastaba, 9 Waddan oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM ayaa ansixiyey Cunaqabataynada saaran dalka South Sudan, halka ay 6 dal ka maqnaayeen Codeyntaasi.