Maalintii Afaraad ayaa waxaa afduub ahaan loo haystaa Markabka Xamuulka ee MV Abdullah oo ay la socdaan 23 Badmaax oo Bangladesh ah.
Wararka waxay sheegayaan in Koox cusub oo ka kooban 19 Burcad-baddeed oo ku hubeysan Hubka culus ay la wareegeen Hagida Markabkaasi, halka Kooxdii hore oo ka koobnayd in ka badan 50 dabley ay ka degeen Markabka.
Dhinaca kale, Burcad-baddeeda waxaa la soo weriyey inay dalbadeen Lacago madax Madax furasho oo dhan 5 million oo Dollar ama ay Badmaaxiinta waxyeelo u geysan doonaan.
Markabka la qafaashay ee MV Abdullah waxa uu haatan sabaynayaa Badda, meel ku dhow Xeebaha Garacad ee Gobalka Mudug.