Labo Askari oo ka kala tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah oo horay loogu xukumay.
Geedow Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa lagu fuliyay Dil-toogasho taasoo ah Qisaasta Marxuum Mursal Cali Cabdi oo lagu dilay Buur-hakaba, Dilka ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedoow huwiyay gaari Caasi ah oo ka kayimid Muqdisho kuna siijeeday Baydhaba.
Halka Ismaaciil Cadullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo ka tirsan Xooga Dalka ayaa isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen ka tirsanaa Saldhigga Booliska Rabdhuure, dilka ayaa ka dhashay muran la xiriira kaararka lagu qaato raashinka.