Roobab xooggan ayaa saacado dhowr oo xiriir ah ka da’ayay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo ka dhasheen daadad kusoo rogmaday inta badan xaafadaha magaaladaasi.
Roobka ayaa biyo farabadan dhigay gudaha magaalada, kadibna waxaa daadadka ku rogmadeen Xaafadaha kooshin iyo Xaawo taako , gaar ahaan Laanta Kuteenbo iyo dhagax dhagax, halkaasi oo qoysaskii kunool ay ka barakaceen.
Dadka ayaa intooda badan waxaa ay ubarakaceeyn deegaanka Ceeljaale iyo meelaha kale oo aysan biyaha gaarin ee duleedka Baladweyne, gurmadyo kala duwan ayaa loo fidinayay dadka daadadka xalay go’doonka galiyeen.
Maamihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya ay Digniin kasoo saareysay roobab xooggan oo daadad wata, waxaana qeybo badan oo kamid ah dalka ka da’ay roobab sababay inay daadad xoogan kusoo rogmadaan magaalooyin.