dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaare badan dhaliyay oo Xalay degmada Kaxda ku dhex-maray dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda, waxaana dagaalkaasi uu ka dhacay xarunta degmada.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaamayaal  ka tirsan Al-Shabaab ay abaare 1:40-daqiiqo weerar ku qaadeen afar deegaan oo ka tirsan degmada Kaxda.
Goobaha la bartilmaameedsaday ayaa kala ah Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo laba goobood oo bar koontorool ah oo amniga laga sugo.
Weerarkii ugu xoogganaa ayaa lala beegsaday saldhigga booliska oo ay Al-shabaab ku qarxiyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, hase yeeshee ciidamada booliska ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday oo iska caabiyay Al-shabaab.
Askari ka tirsan ciidanka xasilinta ee loo yaqaan buluusiyo Militaaro iyo askari ka ka tirsanaa ciidanka Saldhiga ee booliska qaybta guud.
Waxaa dhaawac gacanta ah uu soo gaaray taliyaha saldhiga iyo dhowr kale oo askari.