HomeWararCiidanka Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay degaan ay ku sugnaayeen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay degaan ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo kuwa ciidanka xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa Al shabaab kala wareegay deegaanka Jannaay Cabdalle oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka laga helayo deegaanka Jannaay Cabdalle ayaa sheegaya in deegaankaas uusan wax iska horimaad ah ku dhexmarin ciidamada xoogga, kuwa Maamulka Jubbaland oo isku dhinac iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo la sheegay inay isaga baxeen degaanka.

Taliska Qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in Shabaab isaga tageen, isla markaana ay ciidamada ay haatan ka wadaan halkaas howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, sidoo kalena gudaha deegaanka looga baarayo miinooyin qaraxyo ah.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay inay bilaabayaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay Al-shabaab ku sugan yihiin.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories