Sarkaal sare oo ka tirsan Ukraine, Brigadier General Oleksiy Gromov, ayaa sheegay in Moscow ay dooneyso dagaal dheer oo ay ku qabsato Ukraine oo dhan, ikadib markii ciidamada Ruushka ay duqeeyeen labo magaalo oo istiraatiiji ah, halka ciidamada Kyiv ay iyaguna duqeeyeen bariga goobaha uu Ruushka maamulo ee Donetsk.
“Kremlin-ka… waxa ay doonaysaa in ay colaadda u baddasho iska horimaad hubaysan oo daba dheeraada,isla markaana ay la wareegaan dhammaan dhulka dalkeenaâ€ayuu yiri Sarkaalkaasi.
Labada dhinac ayaa meesha ka saaray xabad joojintii la hirgaliyo xilligga ciidda Christmas-ka, mana jiraan hadda wax wada hadal ah oo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda 10-ka bilood ku dhow.
Saraakiisha guud ee militariga Ukraine ayaa sheegay in Moscow ay diiradda saarayaan bariga magaalooyinka Bakhmut iyo Avdiivka, inkastoo sidoo kale ay maalin kasta duqeymo ka geystaan koonfurta magaalada Kherson ,iyagoo isku dayaya inay saldhig xooggan ka hesho gobolka koonfurta ee Zaporizhia.