495 qoys oo ka soo barakacay Gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku nool xerada Barakacayaasha ee Diiqo oo ku taalla deegaanka Tareedisho Barakacayaasha deegaameysanayo, xeradan waxa ay u badan yihiin Carruur iyo Haween kuwaasi oo wajahayo dhibaatooyin ku saabsan dhanka nolosha.
Dhibaatooyinka aasaasiga ka sokow waxa ay barakacayaasha saameyn aan wanagsaneyn ka dhaxleen roobabka xagaaga ah ee ka da’ay magaalada Muqdisho, qaar ka mid ah qoysaska ayaa ku gurya beelay, maadaama ay ku nool yihiin guryo ka sameysan baco iyo cooshado lasku geeyay.
Qoysaska ku nool xeradan ma heystaan, hooyo wanaagsan, wax ay jidiinka saaraan iyo shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha oo qaarkood ayaa ku nool waxyaabo ay ka soo dawarsadaan magaalada, waxaa taasi u sii dheer wadooyinkii ay u mari lahaayeen magaalada Qaarkood waxaa burburiyay roobabkii ka da’ay Muqdisho.
Xabiiba Xuseen Maxamed oo ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee ku nool xerada nolosha adag ay wajaheyso waxaa u wehliyo in ay ku dhex heyso xerada gabadheeda oo dhalan maalmo, waxa ay tiri “marka uu yimaado roobka waxa aan geeyaa guri dariska ah oo ka yara roon kan aan ku nool nahay si uusan roobka ugu di’in gabadha iyo canugeeda waxa aan codsan laheyn in dhanka hooyga nagala caawiyoâ€
Barakacayaasha ayaa maalinba maalinka ka danbeysa waxa ay soo gaarayaan xeradan iyo meelo kale oo magaalada ah si ay u helaan nolol dhaanta midii ay ku heysteen deegaanadii ay uga soo barakaceen abaaraha.
Qoysaskii ugu danbeeyay ee soo gaaray xerada waxaa ka mid ah Soonto Cabdalla oo heysta 8 carruur ah waxa ay tiri “Carruurta qaar waxaa iiga dhacay hergab iyo malaariyo, sidoo kale xanuun dartiisa waxaa iiga geeriyooday hal cunug oo 2 jir ah waxa aan cabis ka qabnaa roobka da’i kara waqti waliba sababta oo ah ma heysano waxa aan dhaxanta ka hubsano iyo hooy aan ka galno roobka iyo cadceeda.â€
Macalin Maxamed Xaaji iyo qoyskiisa waxa ay ka mid yihiin dadkii ugu horeeyay ee soo gaaray xeradan kuwaasi oo dib u dajin loo sameeyay, “waxa uu xusay in dadka ku nool halkan aysan heysan, cunto, hooyo iyo musqulo una baahan yihiin in lala soo gaaro gergaar dag dag ahâ€.
Horjoogaha xeradan Khadiija Mohamed ibraahim ayaa u sheegtay Bilan media “in ay muhiim tahay, in ay dadkan ay helaan gergaar baco ah oo ay ka dugsadaan robaabka xagaaga oo si joogta ah uga da a xeradanâ€.
 Qoysaska barakacayaasha ee ku nool muqdisho ayaa wajahaya noloshii ugu adkeyd maadaama xoolahooda iyo beerahooda ay ku waayeen abaaraha ku dhuftay, qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa dhibta ugu sii darsamay, xanuuno ay ka dhexleen roobabka iyo hooyo la’aan.