Wasiir ka tirsan dawladda Nigeria ayaa sheegay in kow iyo toban qof oo laga afduubtay tareen bishii Maarso lagu sii daayey haatan wada xaajood. Afhayeen u hadlay wadaad lagu magacaabo Sheekh Axmad Gumi oo ka mid ahaa dhex-dhexaadiyaasha howshaan ayaa sheegay in kow iyo tobanka qof ay wali gacanta ku hayaan, wadahadalka lagu sii daynayana uu socdo.
Waxa uu ka gaabsaday inuu sheego shuruudaha lagu xiray kow iyo tobanka qof ee la sii daayay. Dhibanayaasha ayaa la afduubtay markii la weeraray tareen ka baxay caasimadda dalka Nigeria ee Abuja, kuna sii jeeday waqooyiga magaalada Kaduna.
Sagaal qof ayaa ku dhintay weerarkaas. Kooxo hubeysan ayaa weeraro joogto ah ka geysta guud ahaan dalka Nigeria.Axaddii la soo dhaafay afartan qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla Koonfur-galbeed ee dalka. Aqalka Sare ee dalkaas ayaa ka baaraan degaya hindise sharciyeed dhigaya in lagu xukumo shan iyo toban sano oo xarig ah qofkii lacag madax furasho ah siiya kuwa dadka qafaasha.