Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta magaalada Baydhaba ku soo bandhigay Mustaf Isxaaq Cali oo labadii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Al-Shabaab, kana soo dagaalamay gobollada Bay iyo Galgaduud.
Mustaf oo dhawaan isku soo dhiibay gacanta dowladda Federaalka ayaa kasoo bixitaankiisa dagaalamayaasha Al-Shabaab ku saleeyay dhibaatooyin dhinaca nolosha ah oo uu sheegay inuu la kulmay, isla markaana uu Go’aanka bixitaanka qaatay.
Wareysi lala yeeshay Mustaf Isxaaq Cali oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa waxaa uu tilmaamay inuu kasoo dagaalamay deegaano ka tirsan Gobollada Bay iyo Galgaduud ee maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, sidoo kalena uu muddo ka tirsanaa Shabaabka.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad ayaa dhowr jeer oo horey soo bandhigay xubno iyo Saraakiil ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.