Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan la yeeshay guddigii doorashooyinka Madaxweynaha JFS.
Guddoomiye Sheekh Aadan iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu mahad celiyay Guddiga sidii ay u hirgaliyeen jadwalkii doorashadA, isla markaana u maamuleen doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee dhawaan dhacday.
Sidoo kale Guddiag doorashada ayaa dhankooda u mahadceliyay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, isagoona ku boggaadiyay sida wanaagsan ay ula shaqeeyeen intii ay socotay howshii doorashada Madaxweynaha dalka.
Guddiga doorashada ayaa ka shaqeeyay doorashadii Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo 15-kii bishaan ka dhacday Muqdisho, taasi oo lagu doortay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.