Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 20 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa sida tan:
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Puntland
Markuu arkay:Â Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda   shaqo.
Markuu tixgeliyey:Â Baahida loo qabo magacaabista Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
Bedel
- Waxaa Maxamed Cali Nuur (Jubba) loo Bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Magacaabid
- Waxaa Maryan Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
- Waxaa Maxamed Cabdi Cilmi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
- Waxaa Maax Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
- Waxaa Xaashi Xuseen Faarax loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
- Waxaa Aadan Cabdi Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha.
- Waxaa Salmaan Farxaan Suudi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
- Waxaa Cabdullaahi Siciid Awyusuf loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
- Waxaa Agaasimaha Guud ee TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland loo magacaabay Cali Cabdi Cali Faarax.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.