Warar hoose oo Madaxtooyada Soomaaliya laga helayo ayaa sheegay in goordhow lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Saacadaha soo aaddan ayay sheegayaan warar lagu kalsoonan karo in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada oo tan iyo markii la magacaaabay ra’iisul wasaarha Cusub ee Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble uu ku howlanaa sidii uu usoo dhisi lahaa Xukuumad.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Xubno ka mid ah wasiiradii hore ee Xukuumaddii kheyre ay Booskooda sii xajisan doonaan, inkastoo aan la shaacin Xubnaha laga yaabo in ay soo laabtaan, waxaana jira Wasiiro badan oo Xilalkooda weyn doona, halka kuwo kale oo ka tirsanaa Xukumaddii kheyre ay baaqi kusii ahaan doonaan Xilalkooda.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo waqtiga uu ku yar yahay ayaa looga fadhiyaa in uu Golaha Wasiirada soo dhiso, iyadoo dadka siyaasadda Falanqeeya ay aaminsanyihiin in Ra’iisul Wasaaraha uu la daahay soo dhisidda Xukuumaddiisa Cusub, maaddaama waqtiga u haray uu yahay mid kooban, ayna jiraan Shaqooyin badan oo horyaalla.