Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa War Cusub kasoo saaray hadalkii kasoo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee ahaa in Doorashada dalka xiligeedo ku dhacdo.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay balan qaadkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ah  in Xukuumadiisa ay qabaneyso doorasho isla oggolyahay oo xiligeeda ugu dhacda si nabad ah.
Waxaa kaloo Qoraalka Xisbiga Wadajir lagu soo sheegay in Xisbiga uu dhiiragelinaayo fahamka Kheyre ee mudnaantiisu tahay Doorashada iyo muhiimada ay u leedahay xasiloonida dalka in afartii sano-ba la qabto doorasho la isku raacsan yahay.
Sidoo kale Xisbiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa RW Â Kheyre iyo Xukuumaddiisa ugu baaqay in hadalka kasoo saaray ay u bedelaan fal, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu abuuri karo Jawi wadahadal oo dhex mari karo saamileyda siyaasadeed ee dalka.
Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sheegay in muhiim ay tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho nabad ah oo ku dhacda xiligeeda, isagoo Golihiisa Wasiirada faray inay u diyaar garoowan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Wadajir.