Maamulka Soomaaliland ayaa si kulul u Cambaareeyay qoraal dhawaan uu soo saara Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan, kaasi oo uu ku sheegay in uu ka shaqaynayo nidaamka Doorashooyinka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa waxaa lagu sheegay inay si aad uga xun yihiin Qoraalka James Swan, isla markaana Qaramada Midoobay ay faragelin ku sameeyneyso Arrimaha siyaasadda Somaliland.
Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay inay qoraalada James Swan ay u aragto mid daandaansi ah iyo faragelin lagu sameeynayo xornimada Somailand waa sida ay hadalka u dhigeen.
Hoos ka Akhriso qoraalka ay soo saareen maamulka Somaliland.
“Xukuumadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan  soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba”
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Wakiilka Qaramada Midoobay fara-gelin ku sameeyay Xornimada Somaliland sida uu hadalka u dhiggay.
” Xukuumadda Somaliland waxay cambaaraynaysaa war-saxaafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay u aragto daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisu  xushmad darro ku yahay Hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo horusocodkii ay sameynaysay tan iyo xiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii.”.