Qarax xooggan ayaa goordhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana qaraxaan jugtiisa laga maqlay degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir iyada oo warar kala duwani ay kasoo baxayaan.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay ka soo horjeedka Carwadii hore ee Taleex ee degmada hodon ee ggobolka Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhashay gaari waxlxaha qarxa ay ku xirnayeen oo halkaas ku qarxay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro hase ahaate dadka laga kala eryay goobta qaraxu uu ka dhacay,ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ayaa halkaas gaaray.