Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Garoonka diyaaradaha  caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland, Mudane Maxamed Cabdi Rodol oo ay wehelinayaan maamulka iyo madaxda Garoonka ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey garoonka, waxana uu madaxweynuhu ugu horrayn kormeerkiisa ka bilaabay dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi mid mid u galay qolalka, hoolalka iyo dhammaanba xafiisyada shaqo ee Garoonka iyo ilinada ay rakaabku kasoo galaan Garoonka iyo kuwa laga dhoofo, waxana si hufan uga warbixiyey maareeyaha Hay’adda Duulista hawada iyo madaarrada Somaliland oo ku dheeraaday horumarka uu garoonku ku tallaabsatay iyo sida ay shaqaaluhu heeganka ugu jiraan shaqada qaranka.