Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Staffan Tillander.
Kulanka u dhexeeyay Guddoomiye Cabdi xaashi iyo Staffan Tillander ayaa looga hadlay arrimaha Siyaasadda dalka Soomaaliya iyo arrimo kale.
Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa labada dhinac ay uga ka wada hadleen Arrimaha Dooroshooyinka 2021 ee lafilayo in dalka ay ka dhacado, Iskaashiga Xiriirka labada dal iyo Taagerada Doowlada Sweden ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Staffan Tillander uga mahaceliyay sida wanaagsan ee uu u gudanayo waajibaadkiisa shaqo ee arrimaha dalka.